(Warbixin+Video) Dowladda Kenya oo sheegtay inay duqey ku dishay 51 ka tirsan Mintidiinta Al-shabaab.

0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dishay 51 kamid ah dagaalyahanada kooxda Alshabaab kadib duqeymo lagu garaacay saldhigyo Alshabaab ku lahaayeen koonfur galbeed Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo.

Labo sargaal oo katirsan Alshabab oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii bishii abril lagu qaaday jaamacadda Gaarisaa ayaa ku jira shakhsiyaadka lagu dilay duqeymaha sida uu sheegay maleteriga Kenya.

Labadaan Sargaal oo lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil Jabhadi iyo Jaamac Dheere oo Kenya looga yaqaano Kuno ayaa katirsan saraakiisha sare ee Alshabaab, kuwaas oo qaabilsanaa howlgallada dibada gaar ahaan Kenya.
Halkaan ka daawo warkaan.