Madaxwaynihii Hore Puntland C/rixmaan Maxamed Maxamud Faroole ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha Cigaal Ee Magaalada Hargaysa, Waxaanna Si Diiran halkaasi ugu soo dhaweeyay isimo iyo waxgarad ka soo jeedda Somaliland
Qaarkamid Ah Isimadaasi Oo La hadlay saxaafadda ayaa Sheegay iney Si Diiran usoo dhaweeyeen Madaxweyne Faroole Oo Mudooyinkii udanbeeyay Ku maqnaa dalka Dibadiisa,

Ujeedka Uu faroole U tagay magaaladda Hargeysa Ayaa lagu Sheegay Howlo isaga u qaar ah, iyadoo dhawaan ay garowe ku geeriyootay Xaaskiisa oo Ka soo jeedda deegaanadda Maamulka Somaliland.
Waa markii u horaysay oo Uu Faroole tago Magaaladda Hargeysa inta aan ognahay tan iyo markii ay Somaliland sheegtay in ay ka go’aday Somaliya inteeda Kale.
Hoos ka dhageyso codadka:
Hoos ka daawo muuqaal: