TOP DHAGEYSO:- Guddoomiyihii Hore ee Maxaas oo Xabsiga la dhigay & Xaaladda Oo Kacsan.

0

Muumin Maxamed Xalane Guddoomiyihii hore ee Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa Shalay Diiday in uu Xilka ku wareejiyo Guddoomiyaha Cusub ee Maxaas loo soo magacaabay Maxamed Macoow.

Degmada Maxaas ayaa waxaa ka dhacay Iska hor imaad u dhexeeya Ciidamada Dowladda ee Degmada ku sugan iyo kuwo la socday Guddoomiyihii hore ee Degmada Maxaas.

Suuleey Xaaji Xuseen oo ah Taliyaha Saldhiga Degmada Maxaas ayaa ka Warbixiyay sida ay wax u dhaceen,waxaana uu sheegay in Ciidamada AMISOm iyo kuwa Soomaalida intaba lagu Amray in uusan degmada imaan karin Muumin Maxamed Xalane.

Intaa ka dib Ciidamada AMISOM ayaa Xabsiga dhigay Guddoomiyihii hore ee Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo hada Gacanta AMISOM ku jira.