Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay aqoonsiyada qaar ka mid ah Ciidankii Burundi ee lagu laayay weerarkii 26-kii bishii hore ee June ka dhacay Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dowladda Burundi waxay qiratay weerarkaasi in looga dilay 50 askari balse Ururka Al Shabaab waxay dhankoodu sheegteen inay ku dileen 80 askari, gacantana ay ku dhiggeen meydadka 60 ka mid ah.
Majalasada Al-kataib oo ku hadasha afka Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigtay aqoonsiyada tiro ka mid ah Ciidankii Militariga Burundi ee qaybta ka ahaa Taliska Ciidanka Midowga Afrika Somaliya.
Weerarka uu dhiigga badani ku daatay ee ka dhacay Leego ayaa dareen baqdin badan leh waxa uu ku keenay Ciidamada Amisom waxayna bartamihii bishan Ramadan isaga soo baxeen qaybo ka mid ah dhulkii ay ka jooggeen Gobolka Shabeellaha Hoose.
Xoogaga Al Shabaab ayaa dib ula wareegay dhulkaasi waxaana xilligan si buuxdo loogu arkayaa dagaal-yahanada diidan jiritaanka Dowladda Federalka Somaliya.