Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa Ciidamada Millatariga Soomaaliya kula dardaaramy difaacida Dalka iyo dadkooda.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada loogu baahan yahayn in ay si adag u shaqeeyaan isla markaana ay meel ugu soo wada jeestaan in guud ahaan dalka ay ka xureeyaan Al-Shabaab.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaaliya ayaa sidoo kale in Ciidamada Millatariga sidoo kale logu baahan yahay in ay si wanaagsan ugu faa ‘ideeystaan Tababarada joogtada ah ee la siinaayo isla markaana ay ugu adeegaan waxa la baray.
Hadalkan ayuu Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ka sheegay ka dib markii uu ka qeyb galay Bandhig Dhoola tus Millatari oo ay sameeyeen cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan ciidanka kumaandooska ee DANAB, kuwaasi dabrid ku sameeyay xerada tababarka ciidanka xoogga dalka ee deegaanka Jazeera.