DHAGEYSO:- Madaxweyne obama oo laga dalbaday in kenya uu culeys ku saaro ilaalinta xaquuqul insaanka

0

Hay’ado ka shaqeeya dhanka Xuquuqda Aadana ayaa soo jeediyay in Madaxweynaha dalka Mareykanka oo Bishan dhamaadkeeda booqanaya dalka Kenya inuu cadaadis madaxda Kenya ku saaro sidii Kenya ay u ilaalin laheyd xuquuqda aadanaha.

Hey’adda, Human Rights Watch, ayaa sii Baahisay warqad  qoraal ah oo arintan ku wajahan iyadoo ku hadleysay magaca 17 hey’adood oo xuquuqda aadanaha ka shaqeeya.

Waxa ay walaac xoogan ka muujiyeen Hay’adahaan habdhaqanka Dowladda Kenya ee ku aadan dhanka Xuquuqda Aadanaha, waxaana ay sheegeen in Madaxweynaha Kenya uu jabinaayo Dastuurka dalkaasi u yaallo qaybta ka hadlay xuquuqda Insaanka.

Warqadan ayaa ku boorisay Madaxweyne Obama in arrintan uu kala hadlo, Madaxweynaha Kenya marka ay is arkaan.

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa lagu eedeeyaa inay geystaan tacadi kala duwan oo ay kula kacaan dadka ku nool dalkaasi, xilliyada ay dhacaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka.

Sidoo kale ciidamada Kenya waxa ay tacadi ka geystaan Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab oo ay ku jiraan kumanaan Soomaali Qaxooti ah oo dalkooda uga cararay dagaalada ka dhacaayo.

Booqashada Obama ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo isagoo madaxweyne ah uu ku tago halka uu asal ahaan ka soo jeedo.