Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia, ciidamada Huwanta iyo kuwa Ururka Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay ku dagaalameen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.
Ciidamada Huwanta oo ka soo dhaqaaqay Deegaanka Faa-faaxdhuun oo qiyaastii 80km u jirta Degmada Baardheere, ayaa waxay gelinkii dambe ee Arbacadii ay Al Shabaab kula dagaalameen Deegaanka Taraaka, oo qiyaastii 50km u jirta Baardheere. Ciidamada Huwanta waxay ka soo gudbeen Shabaabkii ay kula dagaalameen Taraaka.
Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay xalay ku hooydeen deegaan lagu magacaabo Garas-dulan oo qiyaastii 35 KM u jirta Magaalada Baardheere.
Ciidamada Shabaab ayaa la sheegay inay soo dhuubteen deegaanka Juungal oo 5-km ujirta deegaanka Garas-duulaan si ay u difaacdaan gacan ku haynta Degmada Baardheere.
Falaagada Al Shabaab oo Saldhig weyn u ah Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxa ay u muuqdaan kuwa aad u difaacan doona gacanta Degmadaan, maadaama Gobolka Gedo, Degmo ahaan halkaan ay ka joogaan.