Diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee maalmaha ciidul-fidriga ayaa ka socda Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.
Suuqyada waaweeyn ee magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay aad u mashquulsanaa, iyadoo lagu arkaayay dadweyne aad u farabadan oo ka iibsanaya agabkii ay ku ciidi lahaayeen.
Goobaha ganacsiga ee lagu iibiyo dharka iyo macmacaanka ayaa ahaa meelaha ugu mashquulka badan oo dadku safafka ugu jireen.
Sidoo kale wararka aynu ka heleyno Gobolada Dalka ayaa sheegaya in sanadkan ay dadku aad ugu diyaar garoobeen maalmaha ciiddul-fidriga, iyagoo si nabadgelyo ah uga dukaameeysanaya suuqyada magaalooyinkaasi.
Hoos ka Daawo sawiradii aan ka soo qaadnay Suuqyada Waa weyn ee Magaalada Muqdisho:-