Gedo: Hawlgalku Waa Bilaabmay La Xisaabtankuna Waa Bu,aale & Dhoobley

0

Kismaayo(AGGM) Hawlgalka Ciidamada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya & kuwa Itoobiya ka wadaan Gobolka Gedo ayaa saacadaha soo socda si toos ah u bilaabmaya,waxaana Saraakisha ciidamada xoogga dalka ee hawlgalkasi hogaaminaya shaaciyeen in hawlgalkoodu hadda bilow yahay isla markaasna dagaalo culus la filan karro saacad kasta.

Sarkaal magaciisa ka gaabsaday oo ku sugan duleedka Baardheere ayaa Warbaahinta Allgalgaduud u xaqiijiyey in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay dhawr jiho ka fadhiyaan Magaalada Baardheere,waxaana uu sheegay in ciidamadaasi saacadaha soo socda gudaha u geli doonaan Magaalada Baardheere.

Sidoo kale Sarkaalkan waxaa uu daboolka ka qaaday inaysan jirin ciidamo ka tirsan maleeshiyaadka Raaskambooni isla markaasna saxafadda Qaarkeed ku tilmaamaan ciidamada Jubbaland,waxaana uu shaaciyey in ciidamadoodu si toos ah u hoos tagaan Wasaarada Gashaandhiga dawlada federaalka ah isla markaasna ay dawladu la socota hawlgalkaasi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Sarkaalkani in hawlgalkoodu socon doono ilaa qaybo ka mid ah gobolladda Jubadda Dhexe & Jubadda Hoose,waxaana uu shaaciyey in bartilmaameedyadda ugu baalaran yihiin Degmadda Bu,aale ee xarunta Jubadda dhexe & Degmadda Jilib ee Jubadda Hoose,waxaana sidoo kale uu sheegay inay gaari doonaan Dhoobley iyo Afmadow.

Sarkaalkan waxaa uu daaha ka qaaday in ciidamada Dawlada Federaalka ay wehelinayaan Ciidamo ka kala socda Dawladdaha Kiiniya iyo Itoobiya,waxaana uu sheegey in tiradda Ciidamada dawlada Federaalka ay badan yihiin isla markaasna awoodaan inay gobollo kale xoreyaan,waxaana uu sheegay in hawlgalkoodu noqon doono mid mira dhal isla markaasna aan la mid noqon doonin Hawlgallo beenaadka Maleeshiyaad Raaskambani ee ku Kooban gudaha Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii Sarkaalkan waxaa uu shaaciyey in talaabada ugu dambeysa ee hawlgalkoodu noqon doono inay gacanta ku dhigaan degaano badan oo ka tirsan Gobollada Gedo,Jubadda Dhexe iyo Jubadda Hoose,waxaana uu shaaciyey inay maalmaha soo socda gaari doonaan Magaalada Baardheere ugana sii gudbi doonaan Gobolada Jubadda dhexe iyo Jubadda Hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com