DHAGEYSO:- Shirarka ka socda Magaalada Garoowe oo la isku fahmi la yahay Iyo Go’aano maanta la filayo iney kaso baxaan

0

Wararka aynu ka heleyno Xarunta uu shirka ka soconayo ayaa sheegaya ayaa in Ra’isal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake waxa uu Maamulada Puntland iyo Jubbaland ku qancinaya in ay taageeraan Maamulka Galmudug ee dhawaan lagu dhisay Magaalada Cadaado.

 
Ra’isal Wasaaraha ayaa sidoo kale labada Guddi ee dhawaan ansixiyen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kala ah Guddiga Doorashooyinka iyo Guddiga Xuduudaha.

 
Maamulka Puntland ayaa si adag kaga soo horjeeda Maamulka lagu dhisay Magaalada Cadaado ee Galmudug, waxana Maamulka Jubba isna uu si adag kaga soo horjeedaa Siyaasada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo guddiyada ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya.

 

 
Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa ku doodeyso in uusan sharci ahayn Maamulka dhawaan Cadaado laga dhisay isla markaana aysan raali ka ahayn.