Ciidamada ka socda dowlada Japan ee qeybta ka ah howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya ayaa soo saaray warbixin ay kaga hadlayaan tirada maraakiibka ay galbiyeen bishii June iyaga oo ka difaacaya burcad badeeda.
Sida laga soo xigtay saraakiil dhanka badda oo warbaahinta la hadlay ku dhawaad 12 markab oo ganacsi ayay ciidamadaasi ka difaaceen weeraro kaga yimaada kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Wasaarada gaadiidka ee dowlada Japan ayaa sheegtay in kooxaha burcad badeeda ay weeraro ku qaadeen maraakiibtaasi laakiin ciidamadooda ay galbiyeen si loo difaaco iney qabsadaan kooxaha burcad beedada Soomaaliya.
Waxaa wasaaradu ay sheegtay in dhamaan maraakiibtaasi ay ahaayeen kuwo weerarada laga badbaadiyay kaliya bishii June ee lasoo dhaafay.
Dhamaan maraakiibta ay galbiyeen ciidamada la dagaalanka burcadeeda ee ka socda Japan ayaa ahaa kuwo aan laga laheyn dalkaasi, marka laga reebo maraakiib ka shaqeeya dalka Japan.
Maraakiibta ayaa shan kamid ah waxay wadeen Saliid, shanna waxay ahaayeen kuwo alaabaha ganacsiga qaada halka labada kale ay wadeen shidaal, sida qoraalka wasaarada gaadiidka Japan lagu sheegay
19 june sanadkii 2009 ayay aheyd markii ciidamada badda ee dowlada Japan ay kamid noqdeen howlgalka lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo xiligaasi weeraradooda ay aad u badnaayeen.