Ra’wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rishiid Cali Sharmaake ayaa goor dhow gaaray degmada cadaado ee gobolka Gal-gaduud iyadoo garoonka diyaaraha ee cadaado ay kusoo dhaweeyeen madaxda iyo xldhibaanada maamulka Cusub ee Galmdug.
Soo dhaweynta Garoonka Kadib Ra’wasaaraha ayaa loo galbiyay aqalka madaxtooyada ee Magaalada cadaado halkaa oo la filayo in dhawaan uu warfidiyeenada kula hadlo.
Masuuliyiin Kale oo ka tirsan dowlada federaalka ee Soomaaliya ayaa Ra’wasaaraha ku wehliya Socdaalkiisa Lamana oga sabata rasmiga ah ee ka dambeysa Ujeedka socdaalka ra’wasaaraha in ay tagaan Magaalada Cadaado,maadaama maanta laga sugayay Puntland,iyadoo hada uu kulamo la lee yahay Madaxda Maamulka cusub ee Galmudug.
Waa socdaalkii labaad ee ku yimaado magaalada cadaado tan iyo intii loo magacaabay Ra’wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya,waxaana la filayaa in uu uga sii gudbo Magaalada Cadaado Caasimadda Puntland ee Garoowe.