Waxaa Shalay gelinki dambe gaaray Degmada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud Amb: Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo ka mid ahaa Musharaxtiintii u tartameysay Qabashada Xilka Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Ahlusunna ayaa Duleedka Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Axmed C/salaan Xaaji Aadan waxaana loo soo galbiyay Xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb.
Warar aynu ka helnay Socdaalka Axmed C/salaan ayaa sheegaya in ujeedka uu yahay in wada hadal uu la furo Ahlu sunna si loo dhameeyo Khilaafa u dhaxeeya Mamaulka Cusub ee Galmuudug iyo Madaxda Sare ee Ahlusunna Waljamaaca.
Saraakiil ka tirsan Ahlusunna oo aan la Xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay Faah-faahin ka bixiyaan Booqashada Axmed C/salaan Magaalada Dhuusamareeb, waxayna inoo balan qaadeen in ay faah faahin ka bixin doonaan Kulamada ka dib.