DHAGEYSO:- Qoysas danyar ah oo Magaalada Beledweyne raashiin loogu qeybiyay

0

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Cismaan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay deeq raashiin ah oo ay u qeybiyeen qoysas danyar ah oo ku nool Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in deeqdaasi ay ka timid mid ka mid ah Wadamada Carabta ee Taageera Soomaaliya, isla markaana gargaarka soo gaarsiiyo deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Waxa uu xuasay in si Cadaalad ah ay uguy qeybiyeen qoysaskii ku nool Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan isla markaana ay si siman ugu faa’ideeysteen.

Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan iyo deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan waxa ku nol qoysas danyar ah oo ka soo barakacay qaar ka mid ah Gobolada kale ee Dalka.