TOOS U DHAGEYSO:- Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo dhaqdhaqaaqyo ka wada Gobolka Bakool

0

Wararka ka imaanata Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay halkaasi ka wadaan Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Guddoomiyaha Tiyeegloow Maxamed Cabdalla Xasan  Food ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay galeen Diyaar garoow Al-shabaab looga saarayo Gobolka marka ay dhamaato Bisha Ramadaan.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in ay Al-shabaab ku sugan yihiin qeybo kamid ah Gobolka Balse Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay isku diyaarinayaan in ay Gobolka Bakool ka saaraan Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Xarakada Al-shabaab ayaa qeybo kamid ah Gobolka Bakool Maamusha,iyadoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda oo iskaashanaya ayaa Gobolada Dhaca Koofurta dalka waxaa ay ka wadaan Dhaqdhaqaayo Ciidan.