Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Federalka Somalia uu goor dhaweyd halkaasi ku dilay haweenay ganacsato aheyd.
Haweenayda la dilay ayaa waxa ay ka ganacsan jirtay dharka, waxaana la sheegayaa in dilkeeda uu sabab u yahay muran dhexmaray Askariga iyo iyada, kaasi oo salka ku haayo lacag uu doonaayo in Askariga uu ka qaato haweenaydaasi.
Markii ay murmeen Askariga iyo haweenayda, ayaa waxaa la sheegay inuu xanaaqay Askariga, kadibna uu qoriga ku qaatay haweenaydaasi, sidaasina xabad ay ugu dhacday oo durba ay meesha ku nafbaxday.
Dadkii meesha joogay ayaa kala cararay durba, markii ay naxeen oo ay arkeen hawenayda ganacsatada aheyd oo meyd ah dhiig badana ka baxaayo.
Dilkaan wuxuu ka dhacay Suuqa Dharka lagu iibiyo Degmada Afgooye, iyadoo Askariga falka dilka ah geystay uu meesha ka baxsaday, markii uu dilay haweenaydaasi.
Maamulka Degmada Afgooye iyo ciidamo kale oo ka tirsan kuwa ammaanka Afgooye ayaa soo gaaray goobta dilka uu ka dhacay, waxaana ay baaritaan ku haayaan halkii uu u baxsaday Askariga dilka geystay.
Ciidamada Dowladda ayaa ku cawaandadooda dadka shacabka ah iyo ganacsatada xilliyada ay lacagta ka doonayaan, iyaga oo awood isku bida qoriga gacantooda ku jira oo shacabka xilliyada qaar ay kula soo jeestaan.