Wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ayaa deeq daawo ah guddoonsiisay madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh.
Wasiirka caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed oo ka hadashay munaasabadda wareejinta deeqda oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in deeqda ay qeyb ka tahay daawo ay wasaaaradda u dirayso gobollada dalka.
Cali Khaliif ayaa uga mahadceliyay wasaaradda deeqda isagoo sheegay in deegaannada Khaatumo baahi wayn looga qabo daawada.
Wuxuu xusay in deegaannada uu maamulo ay ka jirto xaalad caafimaad darro, wuxuuna ballanqaaday in deeqda daawada la gaarsiin doono dadka loogu talagalay.