Taliyaha ciidanka AMISOM Jeneraal Jonathan Rono ayaa Isniintii shalay booqday jasiiradda Kudhaa oo 120 km koonfur galbeed ka xigta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Taliyaha ayaa ku ammaanay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan jasiiradda sida ay u sugeen ammaanka deegaanka.
Wuxuu ku bogaadiyay ciidanka AMISOM howsha wacan ee ay hayaan, isagoo dhinaca kalena beeniyay dacaayadda Al-Shabaab ee ah inay la wareegayso saldhigyo AMISOM, sida uu sheegay taliyaha.
Taliyaha waxaa booqashadiisa ku wehliyay saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka AMISOM.