TOP NEWS: Maamulka Ahlusunna Waljamaaca “Marnaba Dhici Mayso In Aan Aqoonsano Maamul Uu Cabdikariin Xuseen Guulleed Madaxweyne Ka Yahay”.

0

Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa si cad u sheegay ineysan aqoonsaneyn maamul uu madaxweyne ka yahay C/kariin Xuseen Guuleed ee shalay lagu doortay magaalada Cadaado.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Ahlusunna oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulkooda marnaba uusan aqoonsi siineynin maamulka uu madaxweynaha ka yahay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wuxuu si cad u sheegay in maamul aan aheyn kan Ahlu sunna uusan ka dhisneyn magaalooyinka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, isagoo been abuur ku tilmaamay natiijada doorashadii ka dhacday magaalada Cadaado.

Sheekh Mursal oo ah sarkaalka u hadlay Ahlu sunna ayaa sheegay in maamulkooda uusan wax aqoonsi ah kaga baahneyn beesha caalamka iyo madaxda dowlada Soomaaliya sida uu sheegay.

Wuxuu si cad u sheegay iney aqoonsi buuxa ka heystaan shacabka ku dhaqan gobolada Mudug iyo Galgaduud, loona baahan yahay in taageero loo muujiyao rabitaanka shacabka gobolada Dhexe.

Isku soo wada duuboo Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa isagana dhankiisa waxa u sheegay inuu wadahadal la gali doono Maamulka Ahlu sunna iyo maamulka Puntland oo mucaaradsan maamulka Galmudug.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media