Sii hayaha Gudoomiyaha Gudiga Fulinta ee Ahlusunna Walajaamacada Gobolada Dhexe ee Soomaaliya Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxa uu sheegay isagoo ku sugan magaalada Dhuusamareeb in shirka Maamul usameynta gobolada dhexe uu furan yahay.
Sidoo Kale madasha shirka waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaa Gudaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Xaaji Xuseen oo sheegay in bulshada Ximin iyo Xeeb ay la dhacsan yihiin shirka maamul usameynta ee ay ku dhawaaqeen culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca islamarkaan ay taageerayaan.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Khudbadaha Shirka