Tani waa tallo ku socota xubnaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug. Mah-maah Soomaaliyeed ayaa oraneysa “tallo adigaa ku nool ee ayadu kuguma noola” halka tu kalana ledahay “taladaan laruugin waa lagu rafaadaa”. ogaadana “tallo iyo tiirba waa la cuskadaa”.
Isla Mah-maaho kale oo aan tii hore ka fogeyn ayaa dhaheysa, “markaan tabar haayay tallo maheyn, hadoon tallo haayana, tabar mahaayo.”
Dhammaan intaas oo howraar suuban iyo hogatusaaleyn ah mecaheedu maahan in aad iga garasho iyo fahan liidataan ee waxaan jecleystay in aan idin lawadaago talada.
Dadka gobollada Galguduud iyo Mudug qaarkood ama badan kood, xubna matalayaa waxey u fadhiyeen shirar looga arin sanayo aayaha labada gobol, waxaan ku talin lahaa marka hore, in labaadi goobo oo lagu soo daro beelaha kamaqan shirka waa hadii ay ayba maqan yihiine, hadii ay jiraan dad ka biya diidsan hanaanka shirka loowadana waxaan ku talin lahaa in laqanciyo.
Waxaan kaloon ku dari lahaa in si cadaalad iyo cinaano ku jirto looqeybsado laguna heshiiyo wax walba oo dadka u dhexeeya, si uu u noqdo maamul waara oo ay ku diirsadaan guud ahaan Soomaaliweyn, gaar ahaana dadka Gobolada Galguduud iyo Mudug, Intaasi waa inta aan kula talin lahaa duubabka dhaqanka Beelaaha labada gobol.
Golaha wakiilada dowlad goboleedka Galmudug ee dhowaan ladhaariya waxaan idin leeyahay maanta ayay tallo idinla gud boon tahay, Waxaad ogaataan mudanayaal hadaad maanta Caloosha waxka doorataan waxaad mugdi iyo hogdheer ku rideen shumaca maanta ka iftiimaya, gobollada Galmuduud iyo Mudug.
Hadaad Caqliga fahanka iyo garasho dheer wax ku doorataan oo ninka aan dooraneysaan aad dhahdaan muxuu kabadali karaa muxuu soo kor dhinkaraa muxuuse ka qaban karaa xaalada dhaqan dhaqaale ee dadka iyo dalkaba waxaad taariikhda ka gali doontaan baal muuqda.
Fadlan Mudane iyo Marwo adiga ayaa maanta waxbadale kara ee Caloosha waxha ka doorran Ee Caqliga wax ka doorro.
W/Q Xassan kaafi M Xalane