TOOS U DHAGEYSO:- Maxaadan ogeyn oo Saakay ka Cusub Deegaanka Leego

0

Xaalada deegaanka leego ee Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa degan kadib markii Al Shabaab shalay subax weerar culus ay ku qabsadeen.

Ciidanka Amisom ayaa khasaaro culus lagu gaarsiiyay dagaalka ka dhacay deegaanka Leego oo Shabellaha hoose ka tirsan, waxaana jira in Shabaabka ay si guud u qabsadeen Xerada.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada Shabaab ilaa xalay ay ku sugnaayeen deegaanka leego, oo ciidankii Amisom ay noqdeen kuwa la laayo kuwa carara iyo kuwa Shabaab ay qabtaan.

Saaka wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in ciidamo Amisom oo badan ay ka kala baxeen Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo ciidamadaan waxa ay doonayaan inay dib u qabsadaan deegaanka Leego.

Guddoomiyaha deegaanka Leego ayaa dhankiisa ka baxsaday deegaankaasi oo wuxuu u baxsaday halkii naftiisa ay badqab ku noqoneyso.

Ciidanka Amisom shalay waxaa leego loogu geystay dhibaato xoogan.