Iyadoo Xalay Nabadoon Caan ah lagu dilay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan waxay ku baaqeen in la adkeeyo amaanka nabadoonada ku sugan magaaladaasi.
Nabadoon Xasan Kulmiye Waasuge oo ka mid ah Nabadoonada ku dhaqan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo Warbaahinta la hadlaya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la adkeeyo nabadoonada iyo dadka Bulshada waxgalka u ah amaankooda.
Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay in wax laga xumaado ay tahay in la Bartilmaameedsado nabadoonada Gobolka Hiiraan.