TOP NEWS:- Ahlu Sunna oo amar dul dhigtay Hay’adaha Samafalka

0

Maamulka Ahlu Sunna Walajaamaca ayaa amar dul dhigay Hay’adaha samafalka ee ka howllgalka magaalooyinka uu ka taliyo Maamulkaasi oo ay ka mid tahay Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

 
Kulan Madaxda Ahlu Sunna ay maanta ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay ku go’aamiyeen in Hay’adaha lala socdo dhaqdhaqaaqooda si loo sii laba jibaaro howlaha Samafal oo ay ka hayaan gobolka Galgaduud.

 
Madaxa Maaliyada Ahlu Sunna Maxamed Axmed Warsame Kooshin ayaa sheegay in aysan ka howllgali karin Hay’adaha samafalka deegaanada Galgaduud hadii aysan iska diiwaan galin Xarumaha Maamulka uu ku leeyahay Magaalooyinka ku yaalla gobolka.

 
“ujeedada aan ka leenahay isdiiwaangalinta Hay’adahu waxa ay tahay in aan kula xisaabtano howlaha ay u hayaan Bulshada, Hay’adii aan isdiiwaan galin ee aanan u hogaansami amarkeena tallaabo ayaan ka qaadeynaa” ayuu yiri Sheekh Kooshin.

 
Amarkaan waxa uu imaanayaa iyada oo Ahlu Sunna ay la wareegtay dhowaan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, sidoo kale waxa uu kusoo beegmay xilli aan ku guda jirno Bisha Ramadaan