DHAGEYSO:- Ra’isal Wasaaraha oo ka hadlay Arrimo muhiim ah shaaciyayna in..

0

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ku sugan Dalka Mareykanka ayaa ka hadlay sababaha uu dib ugu dhacay dhaqaalaha Dalka Soomaaliya, iyo waxa keenay iminka.

Ra’isal Wasaaraha ayaa sheegay in taageerida dhanka dhaqaalaha ay dowlada Soomaaliya ka heli jirtay wadamada caalamka isla markaana ay joojiyeen.

Waxa uu xusay in aysan Madaxda Dowlada Soomaaliya aysan ogeyn sababta ay dowlada Caalamka u jarteen dhaqaalihi ay siin jireen Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay wada hadalada u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Ahlu Sunna.