Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah la hor-geynayaa sharciga Saxaafada, kaasoo horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiiradda Soomaaliya
Sharcigan oo marxalado kala duwan horay u soo maray ayaa maraya akhrinta koowaad ee Baarlamaanka, iyadoo loo qeybin doono nuqulada uu ka kooban yahay sharcigaas, si ay uga doodaan Xildhibaanada.
Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sheegay in maanta oo arbaco ah Baarlamaanka la hor-keenayo sharciga saxaafada iyo sharciga shaqaalaha ajnabiga, isagoo xusay in ugu horeyn sharciga Sharciga Saxaafada laga hor-akhrin doono.
Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir ayaa la filayaa inuu Baarlamaanka ka hor akhriyo sharciga saxaafada, waxaana kadib la filayaa in Xildhibaanada guda galaan dooda sharcigan.
Sanadihii u dambeeyay ayaa waxaa Soomaaliya lagu dilay wariyeyaal ka badan labaatameeyo, halka kuwa la xiray, idaacado madax banaan albaabada la isugu dhiftay, waxana Sharcigaan uu noqonaya mid u hiiliya Saxafdiyiinta Soomaaliyeed.