Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka magaalada Johannesburg ku shir guddoomiyay kulan uu isugu yeeray hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidammada nabad ilaalinta ka joogaan Soomaaliya ee ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Shirkan waxaa ka soo qeybgaley hoggaamiyeyaasha dalalka Kenya, Ethiopia, wakiillo ka socdey dalalka kale ee ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya, Madaxa Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika, Ismail Chergui, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya , Maman Sidikou, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay iyo diblomaasiyiin kale.
Kulankan oo gaar ka ah shir madaxeedka 25-aad ee Midowga Afrika, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hadal uu ka jeediyay waxaa u uga mahadceliyey waddamadaasi sida ay naftooda ugu hureen samatabixinta shacabka iyo dalka Soomaaliya, isagoo dhanka kalena ka warbixiyey xaaladda dalka, iyo baahida loo qabo in ciidammada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay yeeshaan iskaashi dhow iyo isku dubbarid wanaagsan dhanka hawlgalladooda.
Dhinaca Kale Madaxweyne Xasan iyo wefdigii uu hogaaminaayay oo dalka Koonfur Afrika ugu qeybgalay shir madaxeedka Midowga Afrika oo lagu qabtay magaalada Johannesburg ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay Galabta.
Garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”,xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo saraakiil kale.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa dalka Koonfur Afrika ka sokow ka qeybgalka shirka midowga Afrika,waxaa uu halkaasi kulan kula yeeshay madaxda dalalkooda ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya isagoo ugu mahadceliyay taageerada dhanka amniga oo ay siiyeen Soomaaliya.