Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa howlgal ay si gaar ah ufuliyeen ciidamada Nabadsugida ee dawladda Soomaaliya, kaas oo manta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaana degmada Yaaqshiid, siiba xaafada Coca Cola ee magaalada Muqdisho.
Howlgalkan ayaa si gaar ah bartilmaameed looga dhigayay meelo laga hayay xogo gaar ah oo ay ku jiraan rag lagu tuhmayo in ay ka tirsan kooxda SHabaab.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in lasoo qabtay lix qof oo shabaab ah, isla markaasna uu ku jiro nin Cadaan ah oo aysan shaacin wadanka uu sida rasmiga ah uga soo jeedo ninkan.
Hay’ada NISA inkastoo aysan wali xog buuxda soo bandhigin hadana warar dheeraad ah oo soo baxaya ayaa xaqiijinaya in ay gacantooda ku dhaceen Saraakiil sare oo ka tirsanaa Shabaabka Muqdisho ka dagaalamaya.
Degmada Yaashqiid shalay ayay ku dagaalameen rag Shabaab ka tirsan iyo ciidamada Milateriga ee dawladda Soomaaliya, taas oo keentay in ay NISA si gaar ah bartilmaamed uga dhigato meelo xogahooda shalay lasoo helay.
HOOS KA DHAGEYSO: