Ururka Ahlu Sunna Wal jamaaca ayaa beeniyay warar sheegaya in ay wadahadal la fureen Dowladda islamarkaana ay ka baxayaan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud.
mid ka mid ah Masuuliyiinta Ahlu Sunna oo All-Galgaduud Lahadlay ayaa beeniyay Warar ay qoreen Warbaahinta qaar oo sheegay in Ahlu Sunna ka baxeyso Dhuusamareeb sidoo kalena ay Hubka dhigayaa.
Masuulkaasi oo lagu magacaabo Max’ed Koofi ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay tahay Urur Nidaamsan oo Masuuliyiin iyo kala dambeyn leh ee aanay ahayn Koox Nabad diid ah oo Hubka laga dhigayo, waxaana uu intaasi raaciyay in aanay Qorshaha ugu jirin ka bixidda Dhuusamareeb ee waliba ay rabaan meelo kale oo ka mid ah Gobolka in ay ku fidiyaan Maamulkooda.
Dhageyso: