{DAAWO SAWIRO} C/kariin Xuseen Guuleed oo ku baaqay in Ahlusunna ay ka qeyb gasho Shirka G/dhexe.

0

Musharax C/kariin Xuseen Guuleed oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada  Xilka Madaxweynaha Maamulka loo dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa maanta si wen loogu soo dhaweeyay Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb.

C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xukumaddii Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta wanaagsan ee Shacabka ku nool Cadaado ay u soo dhaweeyeen.

Sidoo kale C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay Arrimaha Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ee Dalka,waxaana uu Xusay in uu si   wanagsan u soconayo.

Waxaa uu ku baaqay in Maamulka Ahlusunna Waljamaaca laga qeyb galiyo Maamulka loo dhisayo Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya islamarkaana la xaliyo waxa ay tabanayaan.

Daawo sawiradda:

DSCI5725 DSCI5726 DSCI5727 DSCI5734 DSCI5743 DSCI5756 DSCI5757 DSCI5758 DSCI5760 DSCI5766 DSCI5775 DSCI57501