Kooxda Al shabaab ayaa sheegay inay Weerar ku qaaday Ciidanka Kenya xilli ay marayeen meel u dhaw Xadka Soomaaliya & Kenya.
Weerarka ayaa lagu qaaday Gaadiid ay wateen Ciidanka Kenya oo marayay in u dhaxaysa Deegaanada Haluqo iyo Masalaani oo Gudaha Kenya ku yaalla, waxaana ka dhashay Weerarka Khasaarooyin kala duwan, inkastoo Tirada aan la ogeyn ilaal hadda.
Al shabaab ayaa sheegay inay ku dileen Weerarka Gaadamada ah Dhowr Askari oo kamid ah Ciidanka KDF, inkastoo Warkaasi aanan jirin Cid si madaxbanaan u xaqiijisay.
Deegaanada Haluqo iyo Masalani waxay ku yaallaan meel 50Km u jirta Xadka Soomaaliya, waana Gudaha dalka Kenya.