Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Galguduud ayaa sheegaya in uu ay jirto dood aan badneyn oo ku aaddan in beelaha qaar ay qabaan in Dhuusamareeb aanay noqon Caasimadda Maamulka Gobolada dhexe ee dhismihiisu ka socdo Degmada Cadaado.
Madaxaweynaha Dalka ayaa horay Digreeto ugu soo saaray in Xarunta Maamulka Gobolada dhexe ay noqoneyso Dhuusamareeb, Shirkuna ay marti galineyso Cadaado taas oo hadda uu Shika ka soconayo.
waxaa jira eedeeyn loo jeedinayo Maamulka Xeman iyo Xeeb oo sheegaya in Maamulkaasi uu ka Gaowsa adeygayo in Caasimaddu noqoto Dhuusamareeb inkasta oo aysan dhankooda si rasmi ah uga hadal.
Sh. Cumar Cali rooble oo ka mid ah Dadka ku shiraya Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Caasimadda Maamulka Gobolada dhexe ay tahay Dhuusamareeb islamarkaana ay ku soo baxday Digreeto Madaxweyne iyadana looga qaadi karo islamarkaana aanay jirin cid muran ka keentay arrintaasi.
HOOS KA DHAGEYSO: