Sida Ay Sheegeen Saraakiisha Dowladda kenya 11- Ka Tirsan Xooggaga Al-Shabaab, Ayaa dhintay Kadib Markii Ay Weerareen Deegaanka Laamu Ee Xeebta Ku Taalla, Waxaa Sidoo kale isku Horimaadkaasi Ku Dhintay labo askari oo Ka Tirsan Ciidanka Dalka Kenya Waxaanna Weerarkaasi Lagu qaaday xero millatari Oo La Yiraahdo Baure Kuna Taalla deegaanka, Lamu.
Afhayeenka ciidamada Kenya David Obonyo Ayaa sheegay in maleeshiyo Al-Shabaab Ah Ay isku dayeen in ay weeraraan xerada Ciidanka Kenya 5:45 subaxnimo Ee Saaka, laakiin wuxuu Sheegay in weerarkaasi Ay iska Caabiyeen,
Waxaanna Uu Intaas Ku Diray in Ciidanka Dowladda Kenya Ay Usuuragashay in ay ka adkaadaan 11-nin Ee Ka Tirsannaa Xarakada Al-Shabaab Kuwaas oo uu sheegay iney Halkaasi ku dileen.
“Weerarka waan iska caabinay inta Uu dagaalku Socday 11 argagixisada Al-Shabaab Ah, Ayaan Dilnay Waxaabba ku jiray labo Nin Oo Cadaan Ah,” ayuu yiri Colonel Obonyo.
Weerarka ayaa dhacay daqiiqo ka dib markii koox ka mid ah maleeshiyo Al-Shabaab ay weerar ku Qaadeen xarun caafimaad isla aagga aroortii hore Ee Axadda Maanta Ah.
Maleeshiyo ayaa lagu soo waramayaa iney weerareen Xarun Caafimaad Oo Layiraahdo Manga Health Center, halkaas oo ay Ku Gubeen Daawadii Taalay kaydka Xarunta iyo labo mooto Oo Goobtaasi Taalay.
Weeraradaan Ayaa Ku soo beegmay maalmo yar ka dib Markii Taliyaha Guud ee Bilayska Dalka Kenya Joseph Boinett Uu war qoraal ah Ku Sheegay in Ciidamadda bilaysku ay ku jiraan heegan sare Oo ku saleysan Ka Hortagista Weeraro Ka Dhaca Dalkaasi Kenya, Wuxuunna Intaasi ku daray iney Heleen Xoggo Kala Duwan Oo Ku Aadan In Ururka All-Shabaab ee somaliya Uu Qorsheenayo Weeraro Uu Bisha ramadaan Ku Qaado Dalka Kenya.
All-Galgaduud Media.
Wararka Dibadda.