Doon ay saaran yihiin xoolo badan ayaa lagu soo waramayaa in xilligaan ay ku gubanayso dekadda Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.
Doonidaan oo aad ugu dhaw Dekadda Boosaaso ayaa la sheegay in si lama filaan ah uu dab xoogan uga kacay, waxaana saaran Xoolo isugu jira Lo iyo Ari.
Waxaa soconayo gurmadka lagu doonayo in xoolahaan lagu soo badbaadiyo, Walow Hadda Laga Quustay Doonta iyo wixii saarnaa ee xoolaha ahaa oo Gabi Ahaan bas-beelay.
Taliyaha Ciidanka Dekedda Boosaso Maxamed Cali Xaashi Ayaa All-Galgaduud media Oga waramay Khasaaraha Ka dhashay Dabkaasi,
Wuxuunna Sheegay in 510-Neef Oo L’o Ah iyo 660-Ari Ah, Ayaa Saarnaayeen Doontani, Waxeyna Ku Wajahneed Dalka Imaaraadka Carabta Iyadoo Sidoo Kale Ay Saarnaayeen 11-Shaqaale Oo Hadda La Geeyay Gudaha Dekedda weyn ee Magaaladda Boosaso,
Maahan Markii Ugu Horaysay Oo Dab Noocaan ah uu ka kaco dekedda magaaladda Boosaso, iyadoo intooda Badan Ay Ku Soo beegmaan xiliga Xagaaga Oo Dabeylo Ay ka Dhacayaan.
Hoos ka dhageyso: