Dagaalamayaal si aad ah u hubaysan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab
ayaa weerar xoogan ku qaaday saacidihii ugu horeeyay maanta oo Axad ah saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya oo ku yaala degaanka Baure ee gobolka Lamu.
Weerarkaasi waxa ay saraakiisha Kenya ay sheegen in lagu dilay 11-dagaalamayaasha Al-shabaab oo labo kamid ah ay ahaayen kuwa kasoo jeeda mid kamid ah qabiilada dalka Kenya,dhinacooda saraakiisha waxa ay xaqiijiyeen in labo askartooda dagaalka ay uga dhinteen.

Afhayeenka ciidamada Militeriga dalka Kenya Colonel David Obonyo, ayaa saxaafada u sheegay in weerarkaasi saldhiga lagu soo qaaday uu dhacay saakay 5:45subaxnimo balse ay ciidamada Kenya ka hortageen
Colonel David Obonyo,ayaa sheegay in 11-qof ay halkaasi uga dileen Al-shabaab oo labo kamid ah ay ogaadeen in ay yihiin kuwo u dhashay dalka Kenya iyaga dhankoodana laga dilay labo askari.