Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa shalay oo ay taariikhdu tahay 13-06-2015 ku geeriyooday Magaalaga Hargeysa Allaha u Naxariistee Marxuum Xuseen Faarax Geedi .
Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Odense ee dalka Denmark, anaga oo ka tiiraanyonayno geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum Xuseen Faarax Geedi, waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa dhamaan Reer Xuseen Faarax Geedi Iyo Hooyadood, gaar ahaana Walaalkeen Axmed Xuseen Faarax, waxaan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu samir iyo iimaan naga wada siiyo Allaha u Naxariistee Marxuum Xuseen Faarax Geedi, waxaa sidoo kale aan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuum Xuseen Faarax Geedi janadi fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.