DEG DEG: Wasiirka Cadaaladda Puntland Oo War Layaableh ka Sheegay Garowe & Isna Casilay.

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada dowladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii wasaradda, ka dib shir jaraa’id uu warbaahinta ugu qabtay xafiiskiisa.

Ismaaciil Maxamed Warsame oo is-casiladiisa u sababeeyay in madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa isku maandhaafeen sii joogitaankiisa, Wuxuunna Kaloo Sheegay in Muddo 8-Bilood Ah Aysan Helin Xaquuqdooda.

Waxay kusoo aadaysaa Is-casilaada Ismaaciil xilli si weyn Puntland looga hadal hayo isku shaadhayn uu madaxwayne Gaas ku samayn doono gollihiisa wasiiradda, taasoo marar badan dib u dhacday.

Shacabka Reer Puntland Ayaana Isla Dhexmarayay Xogo Kala duwan Oo la Xiriirta isku shaandheynta Lagu Sameenayo Golaha Xukuumadda ee Dowladda puntland Laakiin Arintaasi kama hadlin madaxweyne Gaas.