Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in khilaafka u dhaxeeya Barlamanka Federaalka iyo Koox Beeleedka Raaskanbooni lagu xalinayo wada xaajood, kadib markii Kooxda Axmed Madobe ay sheegeen in ay xiriirka ujareen DF, Oo Ay Aqoonsadeen Maamulka Somaliland Ee Ku Sugan Goboladda Waqooyi ee dalkenna Somaliya.
Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, ayaa isaga oo la hadlayay VOA, waxa uu sheegay in tabashada Kooxda raaskanbooni ay xalinayaan, isaga oo sheegay in wadahadal uu dhawaan u furmi doono labada dhinac si loo xaliyo khilaafka.
Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda ayaa sheegay in dhinaca kale ay wadaan dadaalo lagu xalinayo cabashada ka taagan Dhisdda Baarlaman Xalaal ah oo ay yeeshaan dadka Jubooyinka,
Barlamanka Federaalka ayaa kalsoonida kala noqday Barlaman ku Sheegga Raaskanbooni, Kadib markii Xumno ka Tirsan Golaha wakiiladda Somaliyeed ay arkeen Xaq Daradda Ka Jidha Kismaayo oo Uu Wado Axmed Madoobe iyo Kooxdiisa.