TOP DHAGEYSO:- Qaxootigii Ku Soo Wajahnaa Boosaso Oo Maanta Baaqday+Wareysi.

0

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa la rajeynayay inuu saacadaha soo socda uu ku soo xirto Markab sida ku dhawaad 2,000 (laba kun oo ruux) oo Soomaaliyeed kuwaasi oo ka soo noqonaya dagaalka ka soconaya  Dalka Yemen.

Laakiin Gudiga Qaxootiga Ee Dalka Yemen Ayaa Goordhow Shaaciyay In Dib Uu Udhacay Markabkaasi Oo Barito Laga Sugayo Magaaladan Boosaso.

Sheikh Maxamed Yuusuf Daad Gudomiyha Gudiga Qaxootiga Dalka Yemen Ayaa Wareysi Siiyay All-Galgaduud Media Wuxuunna sheegay in sababaha dib Uu Ugu Dhacay Markabkan Ay Tahay Kadib markii Uu Buux Dhaafay Markabkan Oo Uu Ku Deeqay ganacsade Somaliyeed.

Dhinaca Kale Sheikh Daad Ayaa Sheegay In Maanta Ay Boosaso Ka Amba Bixiyeen Ku dhawaad 14-Gaari Oo Ah nooca Safarka Kuwaas Oo Loo Qaaday Deegaanadooddii.

Hoos ka dhageyso: