DHAGEYSO:- balan qaadka Gudoomiyaha cusub ee Ciyaaraha Gobalka Nugaal iyo dhalinyarada.

0

Wasarada Dhalinyaradda iyo ciyaaraha Puntland ayaa dhowaan gudoomiye cusub usoo magacowday mamulka ciyaaraha iyo dhalinyaradda Gobalka Nugaal iyadoona loo doortay Cabdikariin Maxamed Nuur oo ka mid ah ardaydda Jaamacadda PSU Garowe.

Gudoomiyaha cusub ee ciyaaraha Gobalka Nugaal Cabdikariin Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu la imaan doono wax-qabad muuqda sida xoojinta ciyaaraha kala duwan ee Gobalka Nugaal, isku xirna naadiyada ka dhisan degmooyinka Gobalka Nugaal.

    Gudoomiyaha Sportska G.Nugaal Cabdikariin

Waxa uu sidoo kale gudoomiyaha cusub sheegay inaysan xooga kaliya saari doonin ciyaaraha balse ay sidoo kale dhalinyaradda gobalka loo qaban doono kulamo wacyi galin ah isla markasna lagu dhiirigalinayo inay dalkooda aaminaan oo ka shaqaysteen, arrimaha kale uu ka hadlay Cabdikariin ayaa waxaa ka mid ah is-badal muuqda oo uu ku samayn doono qaab shaqeedka xafiiska iyo xoojinta xeerarka shaqo.

In lasoo kordhiyo ciyaaro iyo tartamo dhexmara ardayda Jaamacadaha, qabashada ciyaaraha kale ee la xiiseyo sida kubada kolayga oradaadka ayuu Cabdikariin Sheegay inay ka mid noqon doonaan waxyaabaha ay xooga saarayaan.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay xafiiska Sports-ka iyo dhalinyaradda Gobalka Nugaal waxaa joogay Cabdirisaaq Nuur Halac oo lagu ammaanay mudadii uu joogay xafiiska inuu muujiyay waxqabad muuqda iyo nidaam kala danbayn ah.

Hoos ka dhageyso: