9 Juun 2015, Muqdisho, Somalia – Madasha Midnimada iyo Dimoqaraadiyadu waxey aad uga murugeysantahay khilaafka xukuumadda Federaaka ah iyo Dawlad-goboleedka Jubaland ka dib markii Baarlamaanka Federaalku soo saaray go’aan uu ku diidanyahay baalamaanka Jubaland. Khilaafka u dhaxeeya labada dhinac waxuu wiiqayaa wadajirka siyaasadeed iyo midda bulshadeed oo lagama maarmaanka u ah dib udhiska Dalkeyna oo ay halakaysay kala qaybsanaan siyaasadeed iyo mid bulsho in kabadan 25 sano. Khilaafku wuxuu curyaaminayaa horumarkii laga sameeyey dhinaca ammaanka wuxuuna xagal daacinayaa higsiga lagu gaarayo isbeddalka siyaasadeed ee loo baahan yahay si loo qabto doorasho hufan oo xor ah 2016.
Madashu waxay fahamsantahy in hogaanka sare ee Qaranku uu ku fashilmay inuu si sax ah u maamulo xaaladda keentay khilaafaadka wuxuuna sidoo kale ku guuldarraystay inuu gacan ka geysto wada-hadal lagu xallinayo waxa la kala tabanayo inta aan baarlamaanku soo saarin go’aanka.
Madashu waxay soo jeedineysaa in dhinacyada oo dhammi ogolaadaan in xalka khilaafaadka uu noqdo mid Somaali leedahay oo ay Soomaalidu hogaaminayso si loo xaliyo mushkilaadda Dalkana hore loogu dhaqaajiyo. Waxaa Madashu soo jeedineysaa in la hawlgeliyo waxgarad Somaaliyeed oo dhexdhexaad ah oo lagu soo xulay karti iyo hufnaan. Waxgaradka la soo xulay waxay fududaynayaan wadahadal laga galo arrinta si xal waara loo gaaro. Sidoo kale waxay soo bandhigayaan qaab loo xalliyo khilaafyada kale oo ka dhexdhici kara Dawlada Federaalka ah iyo Dawlad goboleedyada.
Madashu waxay ugu baaqeysaa inta talada wax ku leh iney isdejiyaan oo ay ka fogaadaan waxyaabaha keeni kara in khilaafaadka la sii huriyo, taas u lumineysa kalsinada Dadka. Madashu waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato hawl kasta oo looga baahdo si xal waara loo gaaro.
Dhamaad
###
Faahfaahinta war-murtiyeedkaan, fadlan la xiriir Xoghayaha Guud
Madasha, Dr. Ali Mohamed Mohamud, Tel No: +252615199050 E-mail:madasha.sfud@gmail.com