TOP: Dowlada Kenya oo Ciidamo dheeraad ah geeynaysa Gobolka Waqooyi Bari.

0

Dowaladda Kenya ayaa si ay uga hortagto Weerarada Al Shabaab geysay  Ciidamo dheeri ah gobolka Waqooyi Barri halkaasi oo ay ka dhaceen Weeraro ay dhiig badan ku daateen bilihii u dambeeyay.

Isaga oo la hadlayay, Guddoomiyaha Degmada Mandheera Cali Robo Wakaalada Wararka ee AFP ayaa waxa uu sheegay in Ciidamo Milatari ah oo gaaraya 180 Askari islamarkaana si aad ah u Tababaran  lageeyay  Gobolka Waqooyi Bari Kenya oo Al-shabaab ay Weeraro badan ka geeysteen.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Talaabadaan Ciidamada Milatariga ah ee la geeyay Gobolka ay qeyb ka tahay Codsi ay Dowladda Dhexe ee Kenya u gudbiyeen Guddoomiyaasha Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

“Waxaan rajeeyneynaa in Ciidamadaan ay qeyb ka qadan doonaan Xaqiijinta Amniga Gobolka oo Al-shabaab ay Weeraro joogto ah ka geeystaan ayna ka hortagi doonaan Weerarada Shabaab”ayuu yiri Guddoomiye Cali.

Al-shabaab ayaa Weeraro dad badan lagu dilay ka geeystay Gobolka Waqooyi Bari Kenya,iyadoo Xiliyada qaar ay Dadka ku nool Gobolka ay Meel Fagaare ah kula hadlaan.

Sidoo kale Al Shabaab waxa ay qabsadeen toddobaadyo ka hor qeybo ka mid ah Kenya iyaga oo bilaabay inay Dadka ka qaadaan lacag canshuur ah,  lama oga wax ay Ciidamadaan ka badali karaan Ammaanka.