DEG DEG: Ahlusuna oo gaaray deegaano cusub oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

0

Xoogagga Ahlusuna Wal-jameeca oo maalin ka hor la wareegay degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa bilaabay inay isku fidiyaan deegaano ka tirsan gobolkaas.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogagga Ahlusuna oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay gaareen deegaanada Xanan-buuro iyo mareer-gur, waxaana muuqata in Ahlusuna ay muujineyso awooda ciidan iyo doorka siyaasadeed ay wali ku leedahay Gobollada Dhexe.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Xoogagga Ahlusuna ay labadii maalmood ee u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadeen deegaanada gobolka, si ay dib ugu soo ceshtaan awoodoodii ciidan ee ay sanado ka hor ku lahaayeen gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ee ka ag dhowaa deegaanka Xanan-booro ay ka baxeen, waxaana laga cabsi qabaa in deegaanadan ay gaareen ciidanka Ahlusuna in dagaalo ka dhacaan.

Saraakiisha Ahlusuna ee ku sugan Dhuusa Mareeb ayaa u sheegay dadweynaha inay aysan aqoonsaneyn shirka maamul u sameynta ee ka socda Cadaado, waxaana dadka ay muxaadaro ugu qabanayeen fagaarayaasha magaalada, iyagoo soo saaray amaro ku aadan in dadka inay is diiwaan geliyaan.

Afhayeenka Ahlusuna ayaa sheegay in qorshahooda yahay inay gaaraan deegaano kale oo ka tirsan Gobolka, isla markaana ay xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo war ka soo saaray qabsashadii Dhuusa Mareeb ayaa ku tilmaamay mid lagu carqaladeynayo dhismaha Maamulka Gobollada Dhexe, isla markaana kooxo nabad diid ah ay soo weerareen degmadaas oo ay ka jirtay nabad iyo degenaansho.