Gudoomiyaha Cusub ee Garowe Ayaa maanta Xilka Si Rasmi Ah Ula Wareegay.
Munaasibadda Ay Xilalka Kula Kala Wareegayeen Gudoomiyihii hore ee Dagmada Garowe iyo gudoomiyaha Ee Cusub Ayaa Ka Dhacay Xarunta Hay’adda PDRC Ee Magaaladda Garowe.
Axmed Siciid Shoodhe Ayaa Si Rasmi Ah Xilkan Ogala Wareegay Duqii Hore ee Garowe, Waxaanna Munaasibadaasi Ku Sugnaa Masuuliyiin kala Duwan Oo Ka Tirsan Dowladda Puntland, iyo Taliyayaal Ciidan,
Mr. Koor Oo Ugu horeyn Goobta Ka Hadlay Ayaa Ka Waramay Waxyaabhihii Uqabsoomay iyo Waxa Horyaalla Maamulka Cusub, Wuxuunna Ku Baaqay in La Soo Da Dejiyo Dhismaha Golaha Deegaanka Ee Magaaladda Garowo Oo Uu Sheegay iney Halboole Uyihiin Hormarka Garowe,
Gudoomiyaha Cusub Ee Garowe Oo maanta Xilka La Wareegay Axmed Siciid Shoodhe Ayaa Isna Dhiniciisa Sheegay inuu Wax Weyn ka Qaban Doonno Arimaha Amniga iyo nadaafadda Caasimadda.
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladda Hoose ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) Oo isna Soo Xiray Kulanka Ayaa Sheegay in Duqii Hore aan Loo Badalin Waxqabad La’aan Balse Uu Xilka Ka Dhamaaday, Wuxuunna Kan Cusub Kula Dar daarmay Sii Wadista Hoolihii Ay Qabteen Maamulkii isaga Ka Horeeyay,
Dhawaan Ayeey Aheyd markii Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali maxamed Cali gaas Oo Gudoomiye Cusub Umagacaabay magaaladda Garowe, Kala Dirayna Golihii Deegaanka Kuwaas Oo Wakhtigooddu Dhamaaday.
Hoos ka dhageyso warbixin: