DHAGEYSO:- Odawaa “Qabsashadii Dhuusa Mareeb waa mid lagu hagar-daameynayo dhismaha Maamulka Gobollada Dhexe”

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ka hadlay  dagaalladii Shalay ka dhacay magaaladda Dhuusa Marreeb ee xaruta gobolka Galgaduud.

 

Wasiir Odawaa  ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado weerarkii Shalay Xoogag taabacsan Ahlusuna kula wareegeen Dhuusa Mareeb, isagoo ku tilmaamay in tallaabadaasi tahay mid ay kooxdaasi uga baxday heshiiskii xabad joojinta ahaa ee kal hore lagula galay magaalada Guriceel.

Sidoo kale Wasiir Odowaa ayaa ku tilmaamay qabsashada Dhuusa Mareeb mid lagu hagar-daameynayo habsami u socodka dhismaha maamulka gobollada dhexe, isla markaana lagu qalqal-gelinayo nabadda iyo xasilioonida ay heystaan  shacabka Gobollada dhexe.

“Dowladda Soomaaliya tallaabo deg deg ah ay u qaadi doontaa ka hortaga kooxda nabad diidka ah ee inta isa soo abaabulay weeraray magaalo xasilooni ka jirtay kuna jirtay gacanta dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Odowaa.

Gelinkii hore ee Shalay ayaa Ciidamo Taabacsan Ahlusuna oo ka yimid dhinaca Guriceel ay dagaal kula wareegeen Dhuusa Mareeb, iyadoo ciidankii dowladda ay isaga baxeen magaalada, isla markaana gaaray degmada Cadaado.

Xaalada Dhuusa Mareeb ayaa Maanta ah mid degan, iyadoo dadka deegaanka ay cabsi ka qabaan in dagaalo ka dhacaan, waxaana ciidamada Ahlusuna difaac ka sameysteen duleedyada magaalada,