Baaritaano ay Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya sameysay ayaa waxaa lagu ogaaday jiritaanka labo kooxood oo ka shaqeeya, 1- been abuurka E-mailada magacyo masuuliyiinta dowladda ka tirsan lagu sameeystay islamarkaana lagula xirriiray meelo badan.
2- Kooxda labaad waa NGO-yo markasta ku qaraabta kana been sheega waxa loo yaqaan Kufsiga oo inta ay Hay’ado shisheeye lacago uga raadsadaan.
Kooxdaan oo in muddo ah hay’adaha Amniga dalka ay ku daba jireen ayaa waxaa lagu soo oggaaday Kooxda 1-aad (Black mailing ka) oo caadeysatay sameysashada Emailo been abuur ah oo ay ku qortaan magacyada masuuliyiinta dowladda iyagoona xirriiro caalami ah iyo kuwo maxali ahba la sameeyay meelo badan, dhanka kalana si been abuur ah u sameeystay baraha bulshada ay ku kulmaan magacyo iyo sawiro been abuur ah oo masuuliyiin sare sare oo dowladda ka tirsan ay ka been abuurteen.
Waxaana ka mida masuuliyiinta ay been abuurka ka sameeyeen Gudodomiyaha Barlamaanka dalka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ay ka sameeyeen cinwaan Twitter been abuur ah oo magaciisa iyo sawiradiisaba ay ku abuureen, sidoo kale Wasiirka Warfaafinta xukumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayeey ka sameeyeen cinwaano bartaha Bulshada wadaagto oo been abuur ah, iyo Wasiiro kale.
Sidoo kale masuuliyiinta hay’adaha Amniga dalka ayeey ka been abuureen iyaga oo sameyey ciwaano iyo baro bulsho been abuur ah, islamarkaana ku aflagaadeeyey qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira iyo dowladaha dariska ah iyaga oo uu ujeedkoodu yahay iney fidno ka dhex abuuraan shacabka iyo maamulada dalka kajira iyo qaar ka mida dalalka aan dariska nahay.
Waxaana xusid mudan in dhammaan masuuliyiinta dowladda caddeeyeen in aynan isticmaalin baraha bulshada iyo cinwaanada been abuurka ah oo ay kooxdaani doonayaan iney ku qaraabtaan.
Hay’adaha Amniga dalka oo dabagal dheer kadib ku soo oggaaday qaar kamida shaqsiyaadka Kooxdaan ku jira magacyadooda iyo meelaha ay joogaan halka qaarkoodna ay gacanta ku soo dhigeen kuwa maqana lagu raad-joogo.
Gruubkan oo inta la ogyahay ay ka mid yihiin raga magacyadooda ay hoos ku qoran yihiin ayaa ah kuwo baaritaano dheer ay hay’adaha Amniga dalka ay ku hayaan islamarkaana ay dhawaan soo bandhigi doonaan macluumaadyo dheeraad ah oo ku saabsan Kooxdaan sharcigana la hor geyn doono
1- Cumar Xaayoow Calasoow oo dadku u yaqaanaan cumar Bidaar adeegsadana magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Khadar Calas, iyo Jamaal Xaayoow.
2- Cali Cabdi Warhdeere ( Cali Yare)
3- Siciid Bulaale oo dalka si dhuumaaleysi ah uga baxsaday kadib markii uu oggaaday in hay’adaha Amniga ay raadiyaan kaasoo u baxsaday mid ka mida dowladaha dariska ah lagu haayo hayeeshee mardhow kala soo wareegi doono.
4- Iyo ninka Afaraad oo magaciisa aan dib ka soo sheegi doono kuna dhuumaaleysanaayo dalka Holland, kaasoo Hay’adaha Amniga dalka ay dhigeeda dalkaas kala shaqeyneyso sidii loo soo gacan galin lahaa sharcigana loo hor keeni lahaa.
Waxaa jira shaqsiyaad kale oo eedeysane yaal ah waxaana wali ku socota xaqiijin dib ayaana laga soo sheegi doono magacyadooda.
Raggan kooxda ah oo iyagu abuura cinwaanada Emailada – been abuurka ah oo ay ka sameeyaan masuuliyiin sar sare ee ka tirsan dowladda Soomaaliyeed iyo sidoo kale sameynta Baraha Bulshada been abuurka ah ayaa Hay’adaha Amniga waxa ay xusul duub ugu jiraan soo qabashada iyo horkeenista sharciga, halka qaar ka mida kooxdaan ay Waasaaradda Amniga ku amartay ineysan dalka ka bixi Karin kadib baaritaano wali ku socda aawgeed, kuwa maqan ayaa iyagana waxaa socda dadaalo Hay’adaha Amniga iyo dhiggooda dalalka ay joogaan u socda kuwaasoo iyana la horkeeni doono sharciga.
Kooxda labaad waa NG-yo markasta ku qaraabta kana been sheega waxa loo yaqaan Kufsiga, sidaan oggnahay Kufisga Haween ka oo aan ognahay heerka dambiyada meesha uu uga jiro, oo ah runtii wax aad u weyn, anaga oo og waxa DIINTEENA suuban ee ISLAAM ka ka qabto, anaga oo og amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu horay uga soo saaray, ayaa waxaa jira NGO-yo ama ururyo gaar ah oo markasta ku qaraabta kana been sheega in dambiyadaas waa weyn ay dalkeenna ka dhacaan been abuur ka sheega, waan ognahay shaqsiyaad kaas waana ku daba jirnaa, hay’adaha Amniga Baaritaano dheeraad ah kadib ayaa lagu soo oggaaday.
Kooxahaan ayaa isku dayaya iney ka faa iideystaan dagaalada ay dowaldda kula jirto cadawga UGUS, balse dowaldda Soomaaliyeed ayaa isha ku heysa qowleysatada beryahan dambe soo baxday ee sameeya Emailada iyo cinwaanada Baraha Bulshada been abuurka ah oo ay ka sameeyaan masuuliyiin sare sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, balse waxaa dhawaan la rajneynayaa in la soo wada qabto islamarkaana sharciga mid mid loo horkeeni doono, maadaama ay Amniga Qaranka lid ku yihiin.
Dhammaad
Wixii faafaahin dheeraad ah kala xirriir
Md. Maxamed Yuusuf Cismaan
Afhayeenka Waasaaradda Amniga Gudaha.
Tel: +252615182797
Mogadishu-Somalia.
HOOS KA DHAGEYSO”