wararka ka imaanaya saakay Gobolka bari xaruntiisa magaalada Basaaso ee xarunta ayaa sheegaya in dadka qaxooti soomaliya ah iyo kuwa Yamaniyiin ah ay ka soo dagteen Dakada magaalada Basaaso
Colaadaha ka jira dalka Yemen ee dhaxeeya islaamiyiinta dalkaas ka dagaalamaya iyo isbaheysiga sacuudiga hogaaminaayo ayaa waxay sababeen in dadkii halkaas ku nolaa in ay naftooda ay kala soo baxaan
Qaxootigaan ayaa magaalada Basaaso dakadee waxaa ku soo dhaweeyay maamulka Bari iyo hay’adaha cafimaadka qaabilsan iyo kuwa qaxootiga ka shaqeeya ee mudooyinkii dambe halkaas ka howlgalaayay
Mudooyinkii dambe Dakada magaalaa Basaaso ee Gobolka Bari waxaa laga soo dajnaayay dadka Soomali ah kuwa u dhashay dalka yemen kadib markii ay u adkeesan waayeen colaadaha ka taagan dalka yemen
HOOS KA DHAGEYSO: