TOP: Dagaalo u dhaxeeyay Xuutiyiinta iyo Ciidamada Sacuudiga oo ka dhacay xadka Yemen.

0

Dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Sacuudiga iyo xoogaga Xuutiyiinta oo ay wehliyaan ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee Yemen ayaa ka dhacay xuduuda labada dal ee Yemen iyo Sacuudiga ay wadaagaan.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in dagaalo xoogan ay ka dhaceen deegaanada xadka ku yaalla ee Jizan iyo Najran, halkaasoo ay soo weerareen ciidamada Xuutiyiinta iyo kuwa Madaxweynihii hore ee Yemen.

Saraakiisha Ilaalada xuduuda ayaa sheegay in weerarkaas ay fashiliyeen, kuna dileen tobaneeyo ka tirsan mucaaradka Xuutiyiinta.

Ciidamada Sacuudiga ayaa gantaalo iyo madaafiic u adeegsaday weerarka, waxaana deegaanada lagu dagaalamay ay ahaayeen saxaro lama deegaan ah.

Dagaalkan ayaa ahaa kii ugu cuslaa oo saacado badan qaata, kaasoo ka dhaca xuduuda Yemen iyo Sacuudiga ay wadaagaan

xuduuda

Xuutiyiinta ayaa horay ugu hanjabay inay weerarayaan Sacuudiga, iyagoo ka aar-gudanaya weerarada cirka ah ee uu ka wado Yemen.

Shalay oo jimco aheyd ayaa diyaaradaha dagaalka ee Xulufada uu Sacuudiga hogaaminayo ay duqeymo xoogan ku qaadaan magaalada Sanca ee caasimada Yemen.