DHAGEYSO+SAWIRRO:- Qaxooti Ka badan 2-Kun Oo Qof Oo Maanta Gaaray Puntland.

0

Dekadda weyn ee Magaaladda Boosaaso waxaa maanta soo gaartay doon sida qaxootigii ugu badnaa ee kasoo cararay Colaada ka taagan dalka Yemen.

Doonida ayaa siday qaxooti gaarayey ilaa 2-Kun Oo qof oo isugu jiray Soomaali iyo Yemeniyiin kuwaas oo kasoo qaxay magaalooyin Kamid Ah Dalkaasi Yemen Oo Coladdo Badani ay ka socdaan,

Dadka maanta yimid waxaa ka muuqatay qaarkood daal iyo xanuuno kale iyadoona loo gudbiyey goobaha Caafimaadka si xaaladooda Caafimaad lagula tacaalo.

Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda ,hay’adaha Samafalka iyo Shacabka Boosaaso ayaa dadkaas si weyn usoo dhaweeyey,waxayna u fidiyeen gurmad degdeg ah oo isugu jirta quudin iyo daaweyn.

Dadka ayaa dhammaantood loo gudbiyey Xarunta sida kumeelgaarga ah loogu hayo ee lagu nasiyo dadka kasoo cararay dagaalada dalka Yemen ,halkaasoo loogu diyaariyey meela ay seexdaan iyo cunto.

Gudomiye Ku Xigenka Gobolka Bari iyo isku duwaha Wasarada arimaha gudaha Puntland Ayaa saxafadda la hadlay.

Daawo sawiradda:

yemen-10 yemen-11 yemen-12 yemen-13 yemen-71