Daawo Sawirada: Shabaab oo soo bandhigay burburka diyaarad Drone ah oo ku dhacday Gobolka Baay.

0

Al Shabaab ayaa fagaaro ku yaallo Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay, waxa ay ku soo bandhigeen Burburka diyaarad Drone ah oo Gobolka Baay ku soo dhacday 17-kii Bishii May ee sanadkan.

Fagaaro ku yaallo Magaalada Diinsoor ayaa diyaaradaan lagu soo bandhigay, halkaasi oo dadweyne badan ay isugu soo baxeen oo ay ku daawanayeen, xilliga lasoo bandhigaayay.

Diyaaradaan ayaa ku soo dhacday deegaanka Cali Bashiir oo Baay ka tirsan kuna dhaw Degmada Buur hakabo ee Gobolkaasi, iyadoo durba ay gacanta ku dhigeen Xoogaga Shabaabka.

Diyaaradaan oo ah nooca Drone-ka ayaa nambarkeeda wuxuu yahay 390 ayaan la ogeyn ilaa hada dalka laga leeyahay, marka laga soo tago in Diyaaradaha Drone-ka badi ay isticmaalaan Dowladda Mareykanka.

Shabaab qudhooda ma aysan cadeyn dalka iska leh diyaaradaan, hayeeshe waxa ay sheegeen inay filayan in dalka Mareykanka laga leeyahay, waxaana ay sheegeen xilliga ay soo dhaceysay inay waday howlo basaasnimo ah.

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka ayaa dhowr mar duqeymo ka geystay Koonfurta Soomaaliya, iyadoo mid ka mid ah Duqeymahaasi lagu dilay Hogaamiyihii Al Shabaab Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr.

DAAWO SAWIRADDA:

Drone Bur bur Drone Bur bur2 Drone Bur bur3 Drone Bur bur4 Drone Bur bur5 Drone Bur bur6